Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Weerar Maanta Ka Dhacay Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed ka soo saartay weerar saaka ku bilowday Qaraxyo kaas oo ka dhacay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari laga soo buuxshay walxa Qarxa uu meel cidlo ah ku qarxay ka gadaal markii laga hortagay, “Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah.”

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayey dowladda ku sheegtay in uu burburiyey guryo ay lahaayeen dad shacabka iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, “Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas,” Sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda.

Related posts

Dad ku dhintay laba diyaaradood oo isku dhacay magaalada Nairo

Abdiaziz Bnnstaff

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ew Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Cayimaadii Wakhtiga Doorashada Ay Dhacayso

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Agaasimaha CID -da Maraykan Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff