Borama News Network

Dowlada Suudan Oo Mamnuucday Gabi Ahaanba Badeecadii Uga Iman Jiray Dalka Kenya Iyo Sababta

Suudaan ayaa hakisay dhammaan badeecadihii laga keeni jiray dalka Kenya, kaddib markii Nairobi lagu marti-geliyay kooxda RSF, oo ciidamada kula jira dagaal sokeeye oo laba sano socday.

Bishii la soo dhaafay, RSF iyo kooxaha ay xulafada yihiin ee siyaasadeed iyo kuwa hubaysan ayaa Kenya ku saxiixday axdi aasaasi ah oo ay ku muujinayaan rabitaanka in dowlad laga barbardhiso Suudaan.

Xukuumadda militariga Suudaan ayaa sheegtay in mamnuucidda soo dejinta ay tahay mid lagu ilaalinayo madaxbannaanida dalka iyo “ilaalinta ammaankeeda qaranka”.

Dalka ay dagaalladu ragaadiyeen ayaa waxaa uu Kenya kasoo dhoofsadaa dhowr badeecooyin oo ay ka mid yihiin shaaha, badecadaha cunnada iyo dawooyinka.

“Dhammaan badeecadaha ka imaanaya Kenya ee soo mara dhammaan dekedaha, isgoysyada, garoomada diyaaradaha, iyo dekedaha waa la joojinayaa maanta ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday wasaaradda ganacsiga Suudaan.

Waxay amar ku bixisay “dhammaan mas’uuliyiinta ay qusayso inay si degdeg ah u dhaqan geliyaan mamnuucidda”.

Related posts

Waa Immsa Lacagta Kabka Ah Ee Ay Dowlada Soomaliya Siisay Somaliland Ee Aan Lagu Dirin Miisaaniyada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Muusow Ama Dalkaad Xukumi Ama Waxaad Ku Noqon Calaydh” Siyaasi Cabdilaahi Dheere Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Safarka Axmed Madoobe ee Nairobi ma abuuri karaa khilaaf ka dhex dhasha Soomaaliya Iyo Kenya?

Abdiaziz Bnnstaff