Borama News Network

Dowlada Turkiga Oo Doomo Casri Ah Ku Wareejisay Somaliya

Dowladda Turkiga ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya doomo cusub oo loogu tala-galay ciidanka badda Soomaaliya.

Doomaha ayaa waxaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala wareegay galankii dambe ee shalay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen wasiiru-dowlaha gaandhigiga, safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka, taliye ku-xigeenka CXD, taliyaha ciidamada badda iyo saraakiil kale ayaa doomahan loogu wareejiyay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Doomahan oo gaaraya illaa 4 doomood ayaa ah nuuca dheereeya, waxaana loogu tala-galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageeradii turkiga ee soo bilaabatay 2011-kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka dambaysa.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo dowladda Turkiga kaga mahad-celiyay doomaha ay ku wareejisay ayaa sheegay in wax badan kusoo kordhin doonaan la-dagaalanka kooxaha iyo waxkasta oo halis ku ah amniga badda si looga faaidayso Khayraadka xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa isla goobta shahaadoyin lagu guddoon siiyay ciidan si gaar ah loogu tababaray ilaalada xeebaha, kuwaasi oo doomahaan cusub ku howl-gali doona.

Related posts

Daawo Dood Culus Oo Dhex Martay Xildhibaan Maxamed Abiib Iyo Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya Oo Soo Dhowaysay Qaraarka Golaha Ammaanka Ee Xabbad-Joojinta Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

“Waynu isku soo soomaynaa ka dibna Ololihii doorashada ayaynu gali doonaa”Murashax Cabdiraxmaan Ciro

Abdiaziz Bnnstaff