Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa sheegay inuu “diyaar yahay oo uu rejayno” inuu ciidammada Ingiriiska ah geeyo Ukraine si uu uga caawiyo xaqiijinta amnigeeda qaybta ka ah heshiiska nabadda.
Ra’iisul wasaaraha UK ayaa sheegay in xaqiijinta nabad waarta oo Ukraine ka dhacda ay “muhiim u tahay haddii aan dooneyno inaan ka hortagno Putin inuu sii wado tacaddiyada mustaqbalka.”
Ka hor intii uusan ka qaybgelin shir degdeg ah oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Yurub ee ka dhacay Paris Isniintii, Sir Keir ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato xaqiijinta amniga Ukraine iyadoo “ciidamadeenna aan gayn karno dhulka haddii loo baahdo.”
“Uma oranayo tan si fudud,” ayuu ku qoray Daily Telegraph. “Si qoto dheer ayaan u dareemayaa mas’uuliyadda ka dhalan karta waddo dhaawacaysa adeegayaasha ragga iyo dumarka ah ee Ingiriiska”
Ra’iisul wasaaraha ayaa ku daray: “Laakiin doorka kasta ee caawinta xaqiijinta amniga Ukraine waa caawinta xaqiijinta amniga qaaraddeenna, iyo amniga dalkan.”
Dhammaadka dagaalka Ruushka ee Ukraine “markuu dhaco, ma noqon karo kaliya nasasho ku meel gaadh ah ka hor inta Putin uu weerar kale ku bilaabi,” ayuu yidhi Sir Keir.
Ciidamada UK ayaa lagu daabuli doonaa dhulka iyagoo ay la socdaan ciidamo kale oo socda dalal kale oo Yurub ah, dhinaca xudduudda u dhaxaysa dhulka ay Ukraine haysato iyo dhulka uu Ruushku haysto.
Bayaanka Sir Keir wuxuu kusoo beegmay kadib markii madaxa hore ee ciidanka, Lord Dannatt, uu u sheegay BBC-da in ciidamada UK ay “si xun u daaleen” oo aysan hogaamin karin hawlgal nabad ilaalin mustaqbalka ee Ukraine.
Ra’iisul wasaaruhu horey ayuu u tilmaamay kaliya in ciidamadda Britain ay ka qayb qaadan karaan ilaalinta amniga Ukraine kadib xabad joojinta.
Wuxuu qorsheynayaa inuu booqdo madaxweyne Donald Trump oo ku sugan Washington dhammaadka bisha, wuxuuna sheegay in “Balanqaadka amniga Mareykanka ay muhiim u tahay nabad waarta, sababtoo ah kaliya Mareykanka ayaa ka hortagi kara Putin inuu weerar kale ku qaado.”
Sir Keir ayaa la kulmaya hoggaamiyeyaasha Yurub si uu uga jawaabo walaacyada ku saabsan in Mareykanka uu horey u socdo oo uu la yeelanayo Ruushka wadahadallada nabadda ee quseeya qaaradda.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa qorsheynaya inuu la kulmo mas’uuliyiin ka socda Ruushka kulan ka dhici doona Sacuudiga dhawaan, sida ay sheegayaan saraakiil Mareykan ah.
Sabtidiina, ergayga gaarka ah ee Mareykanka u jooga Ukraine, Keith Kellogg, ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Yurub la talo gelin doono keliya oo aysan ka qayb qaadan doonin wax wadahadallo ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka.
Ilo sarre oo ka tirsan dowladda Ukraine ayaa u sheegay BBC-da Axaddii in Kyiv aan lagu casuumin wax wadahadallo ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka.
Trump ayaa markii hore ee toddobaadkan sheegay in uu la hadley madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaana uu sheegay in wadahadallo lagu joojinayo “dagaalka doqonimada ah” ee Ukraine ay bilaaban doonaan “si degdeg ah.”
Trump ayaa markaas “u sheegay” Zelensky qorshihiisa.
Axaddii, Trump ayaa sheegay inuu filayo in Zelensky uu ka qayb qaato wadahadallada. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu u oggolaan doono dalalka Yurub inay u iibiyaan hubka Mareykanka – Ukraine.
Markii la weydiiyey BBC-da jadwalka uu leeyahay ee ku aaddan dhammaadka dagaalka, Trump ayaa sheegay oo kaliya in “Waxan ka shaqeynaynaa sidii aan arrintan u dhameyn lahayn,” isagoo xusay in dagaalka uu masuul ka yahay siyaasadaha Ukraine ee maamulka hore.
Qoraal uu ku qoray Telegraph, Sir Keir ayaa sheegay in “nabad aysan imaan karin qiimo kasta,” iyo “Ukraine waa inay ka qayb gashaa wadahadalladan, sababtoo ah wax ka yar arrintaas waxay aqbali lahayd aragtida Putin ee aan ahayn in Ukraine aysan ahayn dal dhab ah.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ma haysan karno xaalad kale oo sida Afghanistan ah, halkaas oo Mareykanka uu si toos ah ula heshiiyay Taliban oo uu ka tagay dowladda Afghanistan” – taasoo tixraacaysa heshiiskii la galay xilligii maamulka Trump, kaasoo markii dambe la dhaqan geliyay xilligii maamulka Biden.
Sir Keir ayaa sheegay in waddada Ukraine ee xubinnimada Nato ay tahay “mid aan la bedeli karin” iyo in dalalka Yurub “ay tahay inay kordhiyaan kharashka difaaca oo ay qaataan doorkaas muhiimka ah” ee isbahaysiga.
Dowladda Ingiriiska ayaa hadda ku bixisa ku dhowaad 2.3% dhaqaalaha waxsoosaarkeeda gudaha [GDP] dhanka difaaca waxaana ay ballanqaadday inay kordhinayso kharashka difaaca si uu u gaaro 2.5% ee dhaqaalaha wadanka, iyada oo aan la siin waqti go’an oo arrintan lagu gaari doono.
Trump ayaa ku baaqay in xubnaha NATO ay ku bixiyaan 5% ee Dhaqaalaha Waxsoosaarkooda Gudaha [GDP] dhanka difaaca, halka xoghayaha guud ee Nato, Mark Rutte, uu soo jeediyay in xulafada ay ku bixiyaan wax ka badan 3%