Borama News Network

Dowlada Ukraine ayaa sheegtay in ay soo riday diyaaradda A-50 ee wax basaasta

Militeriga Ukraine ayaa sheegay in labo diyaaradaha dagaalka Ruushka oo marayay badda Azov ay soo rideen.

Labada diyaaradood ee la soo riday noocoodu wuxuu kala ahaa diyaaradda wax basaasta ee A-50 iyo Ilyushin.

Ma jiran wax cadeynaya balse hadii la xaqiijiyo waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ay Ukraine ku guuleysato in ay soo rido bartilmaameed muhiim ah. Falanqeeyeyaashu waxay ku sheegeen in ay dhaawac weyn ku tahay awoodda hawada ee xukuumadda Moscow

Ruushka ayaa haysta tiro yar oo ah diyaaradaha A-50 kuwaas oo leh radaar awood badan. Inta badan waxay ku duuleen meelo aysan gaari karin difaaca Ukraine.

Wararka qaar waxay sheegayaan in diyaaradda Ilyushin ay dib ugu noqotay Ruushka. BBC uma aysan suurtogelin in ay xaqiijiso weerarka.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in aysan wax warbixin ah ka heyn weerarrada. Dhinaca Ukraine, taliyaha ciidamada cirka, Mykola Oleshchuk oo ka hadlay soo rididda diyaaradda wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin.

Related posts

Maxkamada Sare Ee Dalka Kenya Oo Joojisay Ciidamo Ay Dowlada Kenya U Diray say Dalka Haiti

Abdiaziz Bnnstaff

Yaab!!Suufiyiintii Oo Sheegay In Qabriga Nabigu Ka Khyr Badanyahay Carshiga eebe iyo janada Laftirkeeda

Abdiaziz Bnnstaff

Luul Umay Dhiman Dhaawicii Uu U Gaystay Sayid Cali” Abukaate Cali Xalane

Abdiaziz Bnnstaff