Borama News Network

Dowlada Urdun Oo Dalkaasi Ka Mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiin Iyo Sababta

Dowladda Urdun ayaa mamnuucday ururka Ikhwaanul Muslimiinka toddobaad kaddib markii ay sheegtay in xubno ka tirsan kooxda Islaamiyiinta la xiray iyagoo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro gantaallo ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Mazen al-Faraya oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la xirayo dhammaan xafiisyada Ikhwaanu Muslimiin, lagana qaadan doono hantidooda, wax kasta oo ay qabtaanna loo aqoonsan doono sharci darro.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ay ku beeniyeen eedaha loo jeediyo.

Ma cadda sida ay mamnuucistani u saameyn doonto xisbiga siyaasadeed ee kooxdan ee Islamic Action Front (IAF) oo ah xisbiga mucaaradka ugu weyn ee baarlamaanka. Xarunteeda dhexe ayay booliisku weerareen ka dib markii uu sheegay hadalkaan Faraya.

Xoghayahii guud ee IAF, Wael Saqqa, wuxuu ku adkaystay in xisbigu si xor ah u madaxbannaan yahay, isagoo sheegay in “aan xiriir la lahayn urur kale.”Sannadkii 2020, maxkamadda sare ee Jordan ayaa go’aan ku gaartay in la kala diro ururka Ikhwaanul Muslimiinka, sababtoo ah ma aysan dhameystirin habraaceeda sharciga ah.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay sii waday hawlaheeda siyaasadeed iyo kuwa kale, IAF waxay ka qaybgashay doorashooyinkii baarlamaanka ee sannadkii hore, iyagoo ku guuleystay 31 ka mid ah 138 kursi.Toddobaadkii hore, waaxda sirdoonka ee Urdun waxay sheegtay inay xirtay 16 qof oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro lagu bartilmaameedsanayo amniga qaranka, oo keenaya fowdo iyo qaran dumisnimo.

Waxaa lagu eedeeyay in ay haysteen walxaha qarxa iyo hub, gantaallo ay sameeyeen, in ay qariyeen hal gantaal oo diyaar u ahaa in la rido, mashruuc ay ku farsameeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo in ay dad ku tababareen dalka Urdun iyo dibadda.

Faraya wuxuu ku andacoodey Arbacadii in xubnaha Ikhwaanku “ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyadooda daaha gadaashiisa, ayna sameynayaan dhaqdhaqaaqyo wax u dhimi kara xasilloonida iyo amniga.”.

Kooxdu way dafirtay eedaymaha loo jeediyay, iyagoo ku adkaysatay inay “si nabad ah u shaqeyaan,”.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa lagu aasaasay Masar ku dhawaad ​​100 sano ka hor, waxayna laamo ku leeyihiin caalamka. Hadafka laga leeyahay waxaa ka mid ah in la abuuro dawlad ku dhaqanta shareecada Islaamka.

Related posts

Somalidu Ma Ku Jirtaa Dadka Uu Soo Masaafurinayo Trump Marka Uu Xilka La Wareego

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh “ Soomaaliya Waxay Bada Cas Ku Leedahay ….

Abdiaziz Bnnstaff

Digniin Culus Oo Madaxweynaha Masar U Diray Itoobiya Damaca Bada

Abdiaziz Bnnstaff