Borama News Network

Dowlada Zambia oo xukuntay dad u dhashay Shiinaha oo galay dambio la xiriira internet-ka

77 qof oo looga shakiyay dambiyo la xiriira internet-ka oo la xiray bishii April ayaa 22 ka mid ah la xukumay.

Shirkadaha ay Shiinuhu maamulaan ee ka furan caasimadda Lusaka ayaa lala xiriiryay kiisaska dambiyada internet-ka ee kordhay dalka iyagoo bartilmaameed ka dhigtay dad ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah.

Jimacaha ayaa la xukumi doonaan sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Waxaa kordhay kiisaska dadka u dhashay Zambia oo lacag ugu jirtay mobilada iyo bangiyada oo waayay

Dad u dhashay dalalka Singapore, Peru, Imaaraatka Carabta iyo qeybo kale oo Afrika ah ayaa lagu dhacay internet-ka sida ay sheegeen madaxda Zambia.

Kaddib maxkamadeyn socotay toddobaadyo 22 u dhashay Shiinaha oo ay ku jirto haweeney saddax dambi lagu helay ayaa la xukumay.

Related posts

Maamul Goboleedka Galmudug Oo $30,000 Ku Abaalmarisay Xulka Metalay Dowlad-Goboleedkaas Ee Koobka Ku Guulaystay

Abdiaziz Bnnstaff

Dalka Masar Oo Noqday Dalka Haysta Taangiyasa Dagaalka Ee Ugu Badan Africa

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Ciidamada Somaliland Iyo Duruufaha Ay Ku Shaqeeyaan

Abdiaziz Bnnstaff