Borama News Network

Dowladaha Turkiga iyo Masar oo si kulul uga hadlay weerarka ka dhacay Xeebta Liido

Dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa si kulal u cambaareeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Hoteelka Beach View ee ku yaalla Xeebta Liido.

War-saxaafadeed ka sii baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Masar ayaa waxaa tacsi loogu diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Masar waxaa ay aad uga xun tahay weerarkaasi bahalnimada ah, waxaan ehellada dadkii ku dhintay falkan argagaxa leh u rajeyneynaa Samir, waxaan intii ku dhaawacantay u rajeynaynaa inay si degdeg ah u bogsadaan” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Masar.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa muujisay sida ay uga xun tahay weerarka ka dhacay xeebta Liido, kaasoo galaaftay nolosha tobaneeyo qof.

“Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilligan adag.

Weerarka ka dhacay Hoteelka Beach View, booliiska waxaa ay sheegeen in ay ku geeriyoodeen 32 qof, halka tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Related posts

Dal ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya shidaalka oo gawaaridiisa u beddelaya kuwa ku shaqeya korontada

Abdiaziz Bnnstaff

“Hadan rabno In aan Caalamka wax la qeybsano waa in aan cadowga gudaha iska dulqaadna” Saalax Axmed

Ninkii jecla iyo kii Necbaayow Somaliland Waxa Baabinaaya Muuse Biixi Ee Maxastu Ha Sii Qaxdo” Suldaan Cabdiraxmaan Good

Abdiaziz Bnnstaff