Borama News Network

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijisay in madaxweyne Deni uu ka qeyb galayo shirka Wadatashiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda, Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah horey loogu diray casuumaad, si uu uga mid noqdo hogaamiyeyaasha lagu martiqaaday wadatashiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee jira, looguna midoobi lahaa jihada horumarinta dalka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in safarka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho uu yahay mid ay beesha caalamku door ku leedahay, iyadoo wakiillo ka tirsan beesha caalamka ay dhowr jeer kula kulmeen madaxweyne Deni magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso. Kulamadaas ayaa looga hadlayay muhiimadda uu leeyahay in Puntland ay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uusan ka qeyb galin shirarka Golaha Wadatashiga tan iyo bishii December ee sanadkii 2022.

Xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa xumaaday, waxaana gebi ahaanba istaagay wadashaqayntii iyo kulamadii dhex mari jiray labada dhinac.

Related posts

Jarmalka Iyo Faransiiska oo si adag uga hadlay raridda Falastiiniyiinta

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa ka soo kordhay kiiska maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Sacuudiga

Abdiaziz Bnnstaff

Masuul Ka Tirsan Xukuumada Itoobiya Oo Shaaciyay In Gudaha Dalkaasi Ay Macluul Ugu Dhinteen Dad Gaadhaya 400 Oo Qof

Abdiaziz Bnnstaff