Borama News Network

Dowladda Ghana oo amartay in Ajanabiga ka baxaan Suuq Dahabka dalkaasi

Dowladda Ghana ayaa mamnuucday dhammaan ajaanibta ka ganacsata suuqa dahabka gudaha, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu kordhiyo dakhliga iyo in la hagaajiyo nidaamka macdanta ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid kadib ansixinta sharci cusub bishan oo awood gaar ah u siiyay hay’ad wadani ah, looguna magac daray Guddiga Dahabka Ghana (GoldBod), iyada oo la wareegaysa dhammaan howlaha la xiriira macdanta dahabka.

“Dhamaan ajaanibta waxa lagu wargelinayaa inay ka baxaan suuqa dahabka gudaha ugu dambayn 30-ka Abriil, 2025,” <span;>ayuu yiri afhayeenka Hay’adda GoldBod, Prince Kwame Minkah.

Ghana waa dalka ugu badan Afrika ee soo saara dahabka, sidoo kalena kaalinta lixaad kaga jira caalamka, hase yeeshee waxaa laga walaacsan yahay macdan qodista sharci darrada ah oo lagu arkayo dalka gudihiisa.

Related posts

“Somaliland Waxay u Baahaan Tahay In Laga Badbaadiyo Hoggaanka Fashilmay Ee Muuse ” Guddoomiye Xirsi

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya Oo Dadka Socdaalaya Qasab Uga Dhigtay Tallaalka Xanuunnada Faafa

Abdiaziz Bnnstaff

56 Sano ka dib shacabka Muqdisho oo u dareeray goobaha diiwaan gelinta Cod bixinta doorashada.

Abdiaziz Bnnstaff