Borama News Network

Dowladda Hoose ee Xamar oo 34 sano kaddib bixineysa Diiwaanka Carruurta ku dhasha Isbitaallada, Shahaadada Guurka iyo Furiinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay bixineyso Diiwaanka Carruurta ku dhasha Isbitaallada, Shahaadada Guurka & Furiinka.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay gudaneyso waajibka saaran isla markaana ay dhexda u xiratay sidii Bulshada Caasimadda ku sugan ay u heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Duqa Muqdisho ayaa mas’uuliyiinta Dowladda Hoose waxa uu ka dalbaday in ay kordhiyaan kartidooda shaqo si adeegyadaas Bulshadu uga baahan tahay looga haqabtiro sida uu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Qof kasta oo mas’uul ah marka uu meel yimaado waxa uu leeyahay Yool, Istaraatiijiyaddeyda waxaa kamid ah in la helo adeegyada Bulshadu u baahan tahay, warqadda qoyska waxa ay ahaan jirtay ama Adduunka ka tahay wax qoyska la nool maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu ka dhimanayo” Yuusuf Madaale, Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Nikaaxa iyo Furiinka kahor burburkii uu ahaa mid Maxkamad loo aado si aanay dayac ama mas’uuliyad darro uga dhicin Ubadka qoyska sida uu yiri.

Waxa uu Tusaale usoo qaatay Carruurta Darbi-jiifka ah iyo kuwa lagu tuuro waddooyinka qaar waxaana uu sheegay in haddii uu jiri lahaa go’aan adag ama Shahaado guur iyo dalaaq ku saabsan in aanay arrintu sidaas ahaan lahayn.

“Waxaan soo marnay marka aad rabtid in aad kala tagtaan Gabadh aad qabtay in Maxkamad la tago oo Furiinku ma fududeyn mana lagu degdegi jirin, waxyaabaha dayaca Carruurta darbi-jiifka ah u wacan waxaa sababa in Warqadda Nikaaxa & Furiinka la’aantood” Ayuu Yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Dowladda Hoose ee Xamar waxaa horyaalla bixinta adeegyo badan oo baahiyo gaar ah u qabaan Bulshada, Dad qaar ayaa soo jeediyay in iyada oo la eegayo dhaqaalaha Dalka iyo Xaaladaha gaarka ah in la dabciyo qiimaha ku baxaya adeegyadaan.

Related posts

Somaliland Maanta Doorasho Iyo Isbedel Ayay U Baahantahay Hadii Kale ..” Siyaasi Cali Guray

Abdiaziz Bnnstaff

“In madaxweynaha Xasaanadadda Laga Qaado Ayaa Ka Dhaw In Xildhibaan Laga Qaado “ Garyaqaan C/raxman

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Sheegay In Uu Joojinayo Hub Culus Oo Uu Siinayay Isreal