Borama News Network

Dowladda New Zealand oo shaqada ka eriday Diblumaasi dhaliilay Madaxweynaha Mareykanka

Dowladda New Zealand ayaa shaqada ka eriday safiirkeedii u fadhiyay Ingiriiska ka dib markii uu ka hadlay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ku tilmaamay mid aan fahansaneyn dhacdooyinkii sababay dagaalkii labaad ee aduunka.

Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda ee New Zealand, Winston Peters, ayaa sheegay in Phil Goff, oo ahaa Ergayga Sare ee UK, ayuu sheegay in ninkaasi matali Karin New Zealand.

Diblumaasiga shaqada laga eryay oo ka hadlayay shir ka dhacay Chatham House oo ay kasoo qaybgashay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Valtonen, ayaa Trump ku eedeeyay inuu dadaalkiisa lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine la mid yahay heshiiskii Munich ee 1938, kaasoo ogolaaday in Nazi Germany ay qabsato qaybo ka mid ah Czechoslovakia.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa dhaliilay Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska, Neville Chamberlain sannadihii u dhaxeeyay 1937 ilaa 194o,  isaga oo ku eedeeyay inuu doortay sharaf-darro halkii uu ka dooran lahaa dagaal, haddana dagaalku uu imanayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee New Zealand ayaa sheegtay inay wadaan qorshaha ninkaan siyaasiga dib loogu soo celin lahaa dalkaasi, wallow aysan weli bixin faallo dheeraad ah.

Related posts

Xulka Qaranka Dalka Qatar Oo Markii Labaad Ku Guulaystay Koobka Qaarada Aasiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Ma Jirto Cid Maayar Mooge Xilka Ka Qaadi Karto”Xidhibaan Cudhay Si Adag U Difaacay Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff

Hoggaamiyihii Kooxda Al-Qacida Ee Dalka Yemen Oo Geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff