Borama News Network

Dowladda Ruushka oo Golaha Ammaanka ku tilmaantay Munaafaqiin labo Wajiile ah

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay weerarkii jawaab celinta ahaa ee Iran ku qaaday Israa’iil, halka golaha aysan cambaareyn kana hadlin weerarkii Israa’iil ku qaaday qunsuliyada Iran ay ku lahaayeen Dimishiq Syria.

Wakiilka dowladda Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaan ku tilmaamay golaha in ay yihiin kuwa munaafiqiin labo wajiilayaal ah, waxa uuna xusay in ay ka aamuseen weerarkii qunsuliyada Iran ayna diideen in ay cambaareeyaan.

Waxa uu sheegay wakiilka Ruushka in ay ka codsadeen golaha in weerarkaasi laga hadlo lana cambaareeyo, isagoona tilmaamay in haddii ay dalalka reer Galbeedka qaadi lahaayeen tallaabo, kaddib weerarkii Israa’iil qaaday sida hadda jirta in aysan dhacdeyn.

“ Horey ayaan uga dignay waxa dhacay, waxaan niri golaha ammaanka ha cambaareeyo weerarkii qunsuliyada, waa laga aamusay, waxa hadda dhacaya reer galbeedka haddii ay qaadi lahaayeen sidan way ka duwanaan lahayd xaaladda…Waxa aan maanta ku arkayno Golaha Ammaanka waa munaafaqnimo iyo laba wajiile, waana wax laga xishoodo.”ayuu yiri Wakiilka Ruushka u jooga Golaha Ammaanka.

Related posts

Dowlada Itoobiya oo u murugooneysa dadki ku dhintay masiibadi dhul-go’a

Abdiaziz Bnnstaff

Cudurka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Sudan Iyo Ku Dhawaad 100 Qof Oo U Dhintay Xanuunkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Interbol U Dirtay Codsi Ku Aadan Soo Qabashada Axmed Madoobe

Abdiaziz Bnnstaff