Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Waqooyiga Galgaduud Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya degaanka Laan dheer ee u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale oo waqooyiga Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ayaa u baaqday labada beelood ee dagaallamaya in ay si deg deg ah ku joojiyaan dirirta isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada hadalka.

Baaqaasi nabadeed ayaa sidoo kale looga codsaday dadka wax garadka ah, sida odayaasha dhaqanka , culumaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, in ay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii collaadaasi loo joojin lahaa.

Baaqaasi nabadeed ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa sidoo kale loou baaqay dowlad goboleedka Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan sidii collaadaasi loo joojin lahaa.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Mamnuucday Ka Ganacsiga Nuucyada Kala Duwan Ee Hubka

Abdiaziz Bnnstaff

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo sheegay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Hotel SYL

Abdiaziz Bnnstaff

Intii Muuse Ka Xanaaqday Ee Wadani Tegtay Waxaa Hadana ka daba tagtay “Guddoomiye Xisbiga UCID

Abdiaziz Bnnstaff