Borama News Network

Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 22 Dhallinyaro Ah Oo Ku Xernaa Suudaan

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro gaareyso 22 dhallinyaro, kuwaas oo maalintii shalay ahayd laga soo dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan, kaddib markii laga soo daayay xabsiga.

Dhallinyaradaas ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

Dhallinyaradaas ayaa ka koobanaa 17 wiilal ah iyo 5 gabdho ah, iyaga oo muddo saddex bilood ah ku xernaa xabsiyo ku yaala Dongola iyo Gadaref.

“Annaga markii aan maqalnay in aad ku xerantihiin Dongola iyo Gadaref, halkaan waxaan ka dirnay Axmed Sudaani si uu unoqdo mas’uulka saxiixa la idinku wareejiyo, dadaal ay dowladdu sameysay ayay ku timid idinkoo nabad qaba inaad dalka kusoo noqotaan.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Dhanka kale, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), oo kaashanaysa xafiiskeeda Portsudan, ayaa fududeysay sii deynta dhallinyaradaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii tagay wadday dadaallo ay dalka dib ugu soo celineyso dhallinyarada tahriibayaasha ah eek u xeran xabsiyada dalalka Afrika iyo qeyb kamid ah waddamada Yurub.

Related posts

“Isaaq iyo Somaliland cidna ma necba ee hogaan xumaa nagu dhacday “ Siyaasi Cabdirashiid Xasan Matan

Abdiaziz Bnnstaff

Hal Maalin Hadii Ay Doorashadu Dib U Dhacdo Xaalada Dalku Meel Ay Ku Dambayn Doonto Cid Karanaysa Ma Jirto” Xildhibaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Dalka Sudan Oo Cakiran Iyo 17 Qof Oo Ku Dhintay Daada Waawayn Oo Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff