Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay qaraxii Xeebta Liido ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo Xalay ku booqday isbitaalka Erdogan shacabkii ku dhaawacmay Qafraxii maalintii Jimacaha ka dhacay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey Alshabaab goobaha dagaalka ay beegsadeen dhallinyaradii indhaha u ahaa mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa buu yiri dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa maalintii shalay ahayd shir degdeg ah la yeeshay saraakisha amniga qaabilsan kadib qaraxii Xeebta liido oo ay kj dhinteen ugu garan 37 qof 247 qofna ay ku dhawaacantay.

Related posts

Dugsiyada Cumar Binu Khadaab Ee Borama Oo Abaalmarino Gudoonsiiyay Ardaydii Ku Guulaystay Tartanadii Dusiyada Ka Soo Qabsoomay

Abdiaziz Bnnstaff

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay xuduuda meel u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Booliska DF uga qorsheysan sugida amniga Muqdisho Bisha Ramadan

Abdiaziz Bnnstaff