Borama News Network

Dowladda Soomaaliya Oo Soo Dhaweysay Wadahadallada u Dhaxeeya Kongo (DRC) Iyo Rwanda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqa ay kala saxiixdeen dowladaha Kongo (DRC) iyo Rwanda ee wada hadalka ah, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka socdeen dagaallo; iyada wadahadalladaas uu fududeeyay Mareykanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa bogaadisay doorka uu Maraykanku ka qaatay dhexdhexaadinta labadaas dal.

“Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa labada dal sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay wada-hadallada iyo dibloomaasiyadda, waxayna bogaadinaysaa doorka muhiimka ah ee uu Maraykanku ka qaatay dhexdhexaadinta doodahaas”. ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
May be an image of map and text

Related posts

“Cismaan Cumar Dool sideed qabaal ayaa lagu soo qafaashay waxay ka helaan aynu “ Xildhibaan Xeeldheere

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha oo kulan yeeshay kadib caleema saarkii Donald Trump

Abdiaziz Bnnstaff

Khasaare maaliyadeed oo ka dhashay Dab saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff