Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay Weerarkii Liido

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka qaranka, Maxamuud Macalin ayaa ka warbixiyay qasaaraha guud ee ka dhashay qarixii Xeebta Liido.

Guddomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay Khasaarahii ka dhashay qaraxii ka dhacay xeebta liido, isaga oo sheegay in qaraxaasi sababay waxyeelo s isugu jirto, burbur hantiyadeed, dhawacyo iyo kuwa halkaas ku geeriyooday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in ay jiraan dad gaaraya shan qofood uu dhaawacadoodu daran yahay, oo ay u baahanyihiin daryeel aan ahayn midka dalka ay ku haystaan.

 Dhimashada ayaa is soo tareysay waxay gaartay 39, qof, waxaa ku burburay goobo Ganacsi oo ku yaallay xeebta Liido oo gaaraya 11, goobood oo  iyo 10, gaari. Ayuu yiri: Guddoomiye Maxamuud Macalin.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli weli dowladda wado dadaallada ay ku caawineyso dadka dhibaatada ka soo gaartay weerarka Liido.

Related posts

Doorashada Gala Cida Badisana Waa La Arki Doonaa” Gudoomiye Xirsi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyinii Talada Laga Riday Ee Gabon Iyo Labo Wiil Oo Dhalay Oo Cunto Ka Sumoobay

Abdiaziz Bnnstaff

“Mucaaridka Iyo Muxaafidkuba Waxay Doonayaan Khilaaf Doorashadda Dib Loogu Dhigo” Cabdiqaadir Cali

Abdiaziz Bnnstaff