Borama News Network

Dowlasa Somaliya oo burburisay Guryihii laga dhistay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Degmada Boondheere

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay fulisay Digniin ay u dirtay Dadkii Degenaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku taalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir oo muddo dheer ay degenaayeen Dad rayid ah.

Ciidamada ammaanka oo ay la socdaan Gawaarida Cagafta loo yaqaan ee wax burburiya ayaa dhinac ka maray Dhismaha ay Xeendaabkaas ka dhisteen Dadka laga saaray waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee u dhow xaruntaas.

Qoysas badan ayaa Carruurtooda iyo Hantidooda inta ay awoodaan kala baxay Saakay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha maadaama Gawaarida Cagafta loo yaqaan ay billaabeen inay burburiyaan guryihii ay gabbaadsanayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay Dadka ka saaraysay Dhulka Dantaguud ah iyada oo ku sheegtay tallaabadaan mid lagu howlgelinayo Hay’adihii ku shaqeynayay oo u baahday sida hadalka loo dhigay.

Qoysas badan oo muddo dheer degenaa Dhulka laga saaray ayaa qaarkood sheegay in aanay heysan meelo ay degaan mar haddii Dowladda Federaalka ay bannaanka uga saartay goobihii ay degenaayeen una baahan yihiin qorshe lagu garab istaagayo.

Related posts

Suldaanka Guud Ee Beelaha Maxamed Case Oo War Ka Soo Saaray Xilka Qaadistii Xildhibaan Maxamed Xaashi Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Shiinaha Oo Faahfaahin Ka Bixisay Dhul Gariir Xoogan Oo Dalkaasi Ka Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Turkiga oo marti qaad u fidinaya dhiggiisa Suuriya si loo soo celiyo xiriirkii labada dal

Abdiaziz Bnnstaff