Borama News Network

Duqeyn Diyaaradaha Israa’iil Ka Gaystay Qasa Oo Dad Rayid Ah Ku Dhinteen

Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa ayaa lagu dilay ugu yaraan 19 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas ay maamusho.

Afhayeenka difaaca madaniga ah Maxamuud Bassal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhowr gantaal ay ku dhaceen guri saddex dabaq ah oo u dhow isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia.

Tobaneeyo qof ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen halkaas, qaar badana ay weli ku hoos jiraan burburka, ayuu hadalkiisa ku daray. Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan sagaal carruur ah.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyay in weerarka ay fuliyeen, balse waxaa ay ku tilmaameen weerar lagu bartilmaameedsaday “argagixiso”, hase-yeshee waxa ay su’aal galiyeen tirada dhimashada ee la sheegay.

Inta badan duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysato Qasa, waxaa ku waxyeelooba dadka rayidka ah, iyadoo dhowr jeer hay’ado caalami ah iyo dowlado ay ku eedeyeen Israa’iil in ay Qasa ka gaysatay wax ay ku tilmaameen xasuuq.

Related posts

Muxuu Salka Ku Hayaa Safarka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Ee Dalka Turkiga Uu Ku Tegayo

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada dadka ku dhintay duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan oo korortay iyo Israa’iil oo xaddiday isku imaatinada waqooyiga

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Hadlay Dadkii Xalay Ka Kacay Suuqii Labaad Ee Magaalada Hargaysa

Abdiaziz Bnnstaff