Borama News Network

Duqeyn Lagu dilay Dad iyo Boqolaal Neef Oo Geel ah oo ka Dhacday Deegaanka Mellit

Diyaaradaha dagaalka ee milatariga dowladda Sudan ayaa duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyay degmadda Mellit oo dhanka waqooyi kaga toosan caasimad-gobaleedka waqooyiga Darfur ee El Fasher.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay 7-qof oo geeley ah iyo sidoo kale in ka badan 250-neef oo geel ah, waxaa sidoo kale duqeyntaasi dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dad shacab ah iyo sidoo kale geel.

Dadka duqeynta lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay ayaa la sheegay in ay ahaayeen labo qoys oo geeley ah, waxaana dadka la dilay iyo xoolaha ay wateen degmada Milloit u aadeen sidii xoolaha looga soo waraabin lahaa dooxooyin iyo harooyin halkaasi kuyaalla.

Milatariga Sudan ayaana kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan degmada Millit halkaas oo bishan bartankeeda la wareegeen ciidamada gurmadka deg dega uu hoggaamiyo Jeneral Maxamed Xamdaan Dagolo .

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa gurmadka deg dega ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah , kuwaa oo ku baxay duqeymaha iyo dagaalka u dhaxeeya labada ciidan ee iska soo horjeeda.

Related posts

Booliska oo Muqdisho ka billaabay dagaal ka dhan ah maan-dooriyaasha

Abdiaziz Bnnstaff

‘Soomaaliya Iyo Itoobiya midna dagaal ciil uma qabo’ – Gud. Difaaca Madax-banaanida iyo Midnimada Dhul

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh” Walaalaha Reer Woqooyi Waxaan Leeyahay Hadaan Kala Tegayno Iyo Hadaqn Midoobaynaba Waa Arin U Taala Dadka Somaaliyeed Ee Uma Taalo Ajnabi”

Abdiaziz Bnnstaff