Borama News Network

Duufaan Baraf Wadata Oo Ku Dhufatay Mareykanka Iyo Gobollo Lagu Soo Rogay Xaalad Degdeg Ah

In ka badan 60 milyan oo reer Mareykan ah ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii duufaan culus oo ceeryaamo baraf ah wadata ay ku dhufatay qeybo ka mid ah dalkaas.Inta badan Canada iyo 30 gobollo oo Mareykanka ku yaalla laga soo bilaabo gobolka Kansas ilaa Xeebta Bari ayaa waxaa ka jirta diginin dhanka cimilada ah, sida ay sheegtay waaxda cimilada qaranka Mareykanka.

Duufaantan ayaa sidoo kale la filayaa inay gaarto magaalada Washington.Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay gobollada Kentucky, Virginia, West Virginia, Kansas, Arkansas iyo Missouri. Xitaa qeybo ka mid ah gobolka Florida oo aan lagu aqoon qabowga daran ayaa la filayaa in xaalado baraf ah ay ka dhacaan.

Qeybo ka mid ah magaalada New York ayaa laga soo sheegayaa ceeryaamo baraf wadata.Dhanka kale, Aqalka Kongareeska ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta xlliga dalkaas ay meel-mariyaan guusha Donald Trump uu saddex bilood kahor ka gaaray doorashada madaxtinnimo ee Mareykanka, balse ma cadda in cimilada ba’an ay dib u dhigi karto ilaa inta ay caasimadda kusoo laabanayaan qaar ka mid ah xildhibaannada oo deegaannadooda ku sugan.

Related posts

Xildhibaanno reer Jubaland ah oo sheegay in socdaalkii laga hor istaagay

Abdiaziz Bnnstaff

Ururka Kaah Iyo Xisbiga Wadani Oo Ka Arinsanaya Sidii Ay Isbahaysi Gaar Ah U Samaysan Lahaayeen

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh ” Madaxda Itoobiya Miirka Ha u Soo Noqdo Itoobiya Ha Iska Iloobaan Ciidan Badeeda

Abdiaziz Bnnstaff