Borama News Network

Duufaan Culus Oo Ku Dhifat Gobolo Ka Mid Ah Dalka Maraykanka Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Duufaankaasi

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay Mareykanka – waxaana ka mid ah 12 ku dhimatay Missouri keliya – kadib markii duufaan culus ay ku dhufatay gobollada koofur-bari, iyadoo gawaarida iyo guryahaba saameysay.

Gobolka Kansas, ugu yaraan siddeed qof ayaa geeriyooday kadib markii in ka badan 55 gaari ay shil galeen sababo la xiriira duufaanta busta wadata.

In ka badan 250,000 guri ayaa koronto la’aan ku ah ilaa toddoba gobol – oo ay ku jiraan Michigan, Missouri iyo Illinois.

Duufaan kale oo culus ayaa la filayaa inay gobolka ku dhufato, iyadoo digniinno laga soo saaray bariga Louisiana, galbeedka Georgia, bartamaha Tennessee iyo galbeedka Florida Panhandle

Related posts

Masar Oo Imaraatka Carabta Jasiirad Kaga Kiraysay Lacag Dhan 35 Bilyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Taliyihii Markabka Ay Afduubteen Ka Qaatay Lacag Dhan 5 Milyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha oo sheegay in ay garab taagan yihiin Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff