Borama News Network

Duufaan xooggan oo ku dhufatay gobol ka tirsan Mareykanka Iyo Faahfaahino Oo Ka Soo Baxaya Duufantaasi

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Lubnaan, ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u sheegay, in dhammaan Bariga Dhexe uu khatar ugu jiro colaad, maadaama uu weli sii soocdo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda Hezbollah.

Cabdallah Xabiib, ayaa sheegay, in loo baahan yahay faragelin degdeg ah oo caalami ah.

Dhanka kale, wasaaradda Difaaca Israa’iil auaa sheegtay, in aysan joojin doonin bartilmaameedka kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

Xulafada ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay xabbad joojin ku-meel-gaar ah oo ka dhacda Lubnaan, kaddib markii uu si xooggeystay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Hezbollah.

12 dal ayaa ku baaqay 21 maalmood oo la joojiyo dagaalka, si loo gaaro heshiis isla markaana ay xabad joojin ka dhaqan gasho Qasa.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa Khamiisti shaacisay in 40 qof la dilay halka 80 kalena la dhaawacay kadib weerarr ay Israa’iil ka fulisay koonfurta waddanka Lubnaan afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyay.

In ka badan laba boqol oo bartilmaameed oo Xisbullah ayaa lagu soo warramayaa in la duqeeyay.

Related posts

“Madaxweyne Muuse waa Madaxweynihii ugu lexjeclada badnaa Ciidamada Qaranka”Xildhibaan Cali Qaran

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg Madaxwayne Ku Xigeen Saylici Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Aqoonyahanka Gobolka Awdal Iyo Arimaha Laga Wada Hadlayo

Abdiaziz Bnnstaff

Hal Qof Oo Ku Dhintay God Uu Macdan Ka Qodanayay Oo Ku Dumay Gobolka Gabiley

Abdiaziz Bnnstaff