Borama News Network

Ehelka Askarta loo qorsheeyay in ay weeraraan Rafax oo fariin culus u diray Netanyahu

Ehelka Askarta Xukuumadda Israaiil ay u qorsheysay in ay weeraraan Magaalada Rafax ayaa fariin digniin culus ah u diray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyaga oo sheegay in aanay marnaba aqbali doonin in ay weerarkaas qaadaan.

Sababta ay ku diideen waxa ay ku sheegeen in ciribta dagaalkaas aanay ka duwaneen dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaza oo askar iyo saraakiil looga dilay Israaiil iyada oo aanay weli gaarin bartilmaameedkoodii ahaa soo furashada Maxaabiista laga haysto.

Warbaahinta ku hadasha Afka cibriga ayaa wareysatay qaar kamid ah ehelka ciidamada loo qorsheeyay duullaanka Rafax waxaana ay dhammaantood ka midaysan yihiin go’aanka la xiriira is hor istaagga dagaalkaas si naftooda loo badbaadiyo.

Qaar kamid ah Wasiirrada kasoo jeeda Yuhuudda Mayalka adag ayaa ku dooday in dagaalkaas la qaadi doonno si ay u gaaraan ujeedkooda ah soo furashada maxaabiista laga haysto oo ay ku tuhmayaan in lagu hayo dhinaca Rafax.

Abaanduulaha ciidamada Israaiil ayaa Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu u diray warqad muujinaysa in la joojiyo qorshaha dagaalka Rafax haddii kale jab wayn uu soo gaari karo ciidamadooda oo ku waqti dheeraaday duullaanka Gaza.

Related posts

Madaxwaynayaasha Dalalka Somaliya Iyo Turkiga Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Xasan Sheekh Waxaan Ka Rabnaa Waxa Loo Dilay Cabdinasir Muuse” Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Bukaan Lagu Beeray Kilda Xayawaanka Doofaarka Oo Soo Caafimaaday Isaga Oo Wata Kalidii Doofaarka

Abdiaziz Bnnstaff