Borama News Network

Faahfaafin dheerada oo ka soo baxaysa howlgal ciidan oo lagu fuliyey markab ay shalay afduubeen burcad baddeed Soomaali ah

Galinkii danbe ee shalay, hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo marayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Markabka oo ahaa kuwa xamuulka qaada laguna magacaabaa MV BASILISK, waxaa ka dul babanaya calanka dalka Liberia.

Sida ay sheegeen howlgalka ATALANTA, ee Midowga Yurub ee ku sugan xeeebaha Soomaaliya, koox la rumaysan yahay inay yihiin burcad baddeed Soomali ah ayaa weerarka gaystay iyagoo watay labo doonyo oo yar yar.

War qoraala oo ay maanta soo saareen howlgalka Atlanta ayey ku sheegeen in howlgal ciidan ay ku qaadeen markabka oo ilaa shalay uu ku gaafwareegayey Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Howlgalka Atlanta ayaa xaqiijiyey in ciidamadoodu ay gudaha u galeen markabka ayna hubiyeen in shaqaalaha saarnaa markabka ay badqabaan isla markaana aysan jirin koox burcad baddeed ah oo saarnaa markabka xilliga ay howlgalkooda ku guda jireen sida qoraal ay soo saareen ku sheegeen.

Ilaa 17 shaqaale oo an wali la shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan ayaa saarnaa markabka MV BASILISK, balse mid ka mida shaqaalaha ayaa dhaawac soo gaaray intii kooxda burcad baddeeda loo malaynayo ay weerarku ku hayeen markabka, sida ay EUNAVFOR ATALANTA STRATCOM xaqiijiyeen.

‘‘Qofka dhaawaca ah ayaa hadda xaaladiisu caafimaad ayaa aad u wanaagsan, wuxuuna helay daryeel caafimaad oo ay u fidiyeen kooxda caafimaadka ee ATALANTA.”ayaa qoraalka la raaciyey
Sawiro ay soo bandhigeen howlgalka ATALANTA, ayaa muujinaya diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo dul taagan iyo ciidamada oo gudaha u galaya markabka.

Howlgalku wuxuu sheegay in raggii weerarka ku qaaday markabka ay ka baxeen ka hor intaysan markabkooda dagaalku ku soo dhowaan MV BASILISK.

‘‘Markabku waa xor hadda wuxuuna sii wadanayaa safarkiisa isagoo ku sii jeeda dekada xigta ee qorshihiisa” ayaa qoraalka ATALANTA lagu yiri.

Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekadda leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Haddda lama oga dakadda xigta ee uu ku xiran doono markabka MV BASILISK ka dib markii laga hortagay weerarka lagu qaday galinkii danbe ee shalay.

Weerarada Burcad baddeeda
Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018, budhcad badeeda Soomaalida waxay dhibaato ka geysteen biyaha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamigaa, waxayna weeraradoodu halis galiyeen ganacsiga dunida.

Laakiin waxay dib howlgaladooda u soo celiyeen sanadkii hore markaas oo tiro aan badnayn maraakiib ganacsi ay ka soo afduubeen biyaha caalamiga sida ay sheegeen haya’addaha ammaanka ee Puntland.

Maraakiib ganacsi oo ka mid ahaa MV Abdullah oo laga leeyhaya dalka Bangaladesh iyo MV RUEN yaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta ayaa ku dhacay gacanta burcad Baddeeda Soomaalida.

Hase yeeshee Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya

Warar an BBCdu si madaxbanaan u xaqiijin ayaa sheegay in markabka MV Abdullah,burcad baddeedu ka qaateen lacag madax furasho ah, basle markabka ayaa la sii daayey.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa howlagaladii ay ka fuliyen xeebaha Soomaaliya waxay gacanta ku dhigeen ilaa 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah ay ku sheegeen markii danbana la geeyey dalka Hindiya.

Puntland oo xeebaheeda inta badan la geeyey maraakiibtii la soo afduubay dhammaadka sanadkii tagay iyo bilowga sanadkan ayaa sheegtay inay dhanka bariga ka bilaabeen howlgalo ciidan oo ay kaga hortagayaan burcad baddeeda oo xeebahooda ku sii bata.

Galmudug iyo Puntland ayaa bilowgii sanadihii 2008-dii ilaa 2010-kii ahaa deeganada ugu badan ee xeebahaas lagu haystay maraakiib la soo afduubay.

Related posts

Wajigii Sadexaad Ee Wadahadala Somaliya Iyo Itoobiya Ee Loogu Balansanaa Dalka Turkiga Oo Baaqday

Abdiaziz Bnnstaff

Mudaharaadkii Xukuumadu Caawa soo qaaday Wuu dhicisoobay Awooda Shacabka ayaa..” Musharax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay tahay sababta ka dambeysa xoogeysiga xiriirka Ruushka iyo dalalka ay afganbiyadu ka dhaceen?

Abdiaziz Bnnstaff