Borama News Network

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen deegaanno ka tirsan Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab saaka weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaarahaan deegaan lagu magacaabo Harboole oo u dhow degmada Afmadow.

Warbaahinta afka dowladda Soomaaliya ku hadasha ayaa sheegtay in Al-Shabaab lagu jabiyay weerar ay soo qaadeen isla markaana khasaare la gaarsiiyay.

Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa iyaguna baahiyay in Shabaab ay ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland ay kala wareegeen deegaanno ka tirsan Jubada Hoose oo ay ka mid yihiin deegaannada Harboole iyo Buulo Xaaji.

Marka laga yimaado sheegashooyinka labada dhinac ma jirto ilaa iyo hadda cid si madax bannaan u xaqiijinaysa sida wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay .

Related posts

Isbitaaladii Magaalada Muqdisho Oo La Ciirciiraya Dhaawacyo Iyo Dhimashada Weerarkii Xalay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Burkina Faso Oo Kordhiyay Mushaarka Shaqaalaha Rayidka Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Amxaarada iiga Dhaw Somalida, Qaar Baa Lahaa Heesta Muuse Biixi Baa Sameeyey”Abwaan Daaha Gaas Oo Ka Hadlay Heesta Buuqa Dhalisay

Abdiaziz Bnnstaff