Borama News Network

Faahfaahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay magaalada Buula-maree

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dad deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaal muddo saacad ka badan uu socday, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.
Ciidanka ATMIS ayaa sameeyay iska caabin, waxaana ugu dambeyn goobta ka baxsaday xubnihii ka tirsanaa AS ee weerarka soo qaaday.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya gudaha magaalada Buula-mareer ayaa sheegaya in xaaladdu daggan tahay, isla markaasna ay ciidamada ATMIS wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Weerarka ayaa ku soo aadaya xilli sidaan oo kale sannadkii hore Al-shabaab weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ee Buula-mareer, halkaasi oo lagu dilay askar badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Uganda.

Related posts

Fanaanada caanka ah ee heesta ku soo ammaantay gabdhaha Soomaalida oo la xiray

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday In Ay Dib U Eegis Ku Samayso Cuna Qabatayntii Laga Qaaday Somalia

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Urur Goboleedka IGAD Ka Codsatay Shir Deg Deg Ah Oo Lagaga Hadlayo Xiisada Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff