Borama News Network

Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Safarka Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ee Magaalada Muqdisho

Diyaar garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la filayo in maanta ay Muqdisho gaaraan ayaa halkaasi ka socda, iyadoo ay horey u tageen caasimadda Soomaaliya wafdi horudhac u ah kan uu hoggaaminayo Abiy.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa la xiray gaarahaan jidka isku xira garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde iyo madaxtooyada,waxaana xadidan isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Waa booqashadii labaad oo rasmi ah oo raysal wasaare Abiy uu ku tagayo Muqdisho, inkastoo dhowr mar oo kale uu siyaabo kala duwan u tagay halkaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaare Abiy ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan danaha labada dal iyo sii xoojinta xiriirkooda, maadaama waayahaan ay isku soo dhawaanayeen labada dal kadib khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac oo muddo taagnaa oo xiisad ka abuuray gobolka.

Related posts

Ruushka Oo Weerarro Loo Adeegsaday Gantaallo Ku Qaaday Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Go’aamo Culus Ku Qaadacday Heshiiskii Muuse Biixi Iyo Abiy Ahmed Adis Ababa Ku Soo Galeen

Abdiaziz Bnnstaff

Burco kuwii 3 milyan ku jaray ayaa doonaya inay ridaan Maayirka wax u qabtay…..

Abdiaziz Bnnstaff