Borama News Network

Falastiiniyiinta Qasa ku laabanaya oo muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin tallaabadaan

Xilli ay dhaqan gashay qaybtii hore ee xabad joojinta Qasa, ayaa kumanaan Falastiiniyiin ah waxaa ay hataan ku wajahanyihiin aaagaggii ay horey uga barakaceen si ay ugu laabtaan guryahoodii oo burbur ba’an loo gaystay.

Rana Mohsen, waa 43 jir, Qasa ka cararatay isla markaana ku nooleed muddadii colaaddu socotay xerada qaxootiga ee Jabaliya.

“Waxaan sugeynay 16 bilood,” ayay tiri hooyadaan oo haysta saddex carruur ah sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

“Farxadeyda lama qiyaasi karo, ugu dambeyn gurigeenii ayaan joognaa,. Waxba nooma badbaadin laakin waa gurigeenii, ayay raaisay hadalkeeda.

Rana kaligeed ma ahan dadka faraxdda dareemaya ee kumanaan kale ayaa la mid ah, hase yeeshee caqabadda jirta ayaa ah in inta badan burbur xooggan uu ka muuqdo guryihii iyo xaafadihii ay dadka hadda soo laabanaya horey uga barakaceen.

Related posts

Diyaarad Ukraine leedahay oo nooca F16 ah ayaa soo dhacday xilli Ruushku weeray waday

Abdiaziz Bnnstaff

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Siyaasi Cabdiwaab Unity Fariina U Diray Bulshada

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Itoobiya Oo Raadinaya Nin Dilay Sheekhii Soo barbaariyay.

Abdiaziz Bnnstaff