Borama News Network

Farmaajo oo siyaasiyiinta kale kula biiray soo dhaweeynta gogoshii uu ku baaqay Xasan Sheekh, talona siinayay madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray gogoshii uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud ka dib war saxaafadeed uu boggiisa Facebook ku baahiyay.

“Waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka,” ayu uku yiri qoraalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku baaqay qabsoomidda shirka wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna ku tilmaamay tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.

“Sida aan marar badan soo jeedinnay, arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada waa masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho, sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,”

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, isagoo abuuraya jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay, iyada oo meesha laga saarayo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay.”

“Annagoo adkaynayna waajibka qaran ee inaga saaran Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaan soo jeedinaynaa in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyada oo la qiimeynayo duruufaha ay wajaheen inta ay ku jireen howlgallada, taas oo aas-aas u ah in ay awood buuxda u yeeshaan xoreynta deegaannada ku harsan gacanta argagixisada,” ayu uku soo gebagabeeyay war-saxaafadeedkiisa.

Related posts

Mareykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Xidhiidhka Sii Xoogeysanaya Ee Ruushka Iyo Afrika

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu Oo Qaatay Go’aan Sii Kicinaya Falastiiniyiinta.

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka arinsanaya Sidii Loo Dhisi Lahaa Gudi Isku Dhaf Ah

Abdiaziz Bnnstaff