Borama News Network

Farsamada Cajiibka Ah Ee Ay Sirdoonka Ukraine u Adeegsadeen Dilkii Janaraalkii Ruushka u qaabilsana Niyukleerka

Ilo-wareedyo ay BBC-da ka soo xigatay laamaha ammaanka iyo sirdoonka Ukraine ayaa xaqiijiyey in sirdoonkooda ay qaadayaan hawlgallo ka dhan ah ciidamada Ruushka iyo saraakiisha sarsare ee ku lugta leh dagaalka “meel kasta oo ay joogaan cadawga Ukraine”.

Meelahaas waxaa ka mid ah dhulka Ukraine ee ay haystaan ​​ciidamada Ruushka, dhulka gudaha Ruushka, iyo meelo kale oo dibadda ah.

Sida laga soo xigtay Ivan Stopak, oo ah khabiir dhinaca milatariga ah, horena uga tirsanaan jiray hay’adda nabadsugidda ee Ukraine, dilkii loo geystay Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka, Igor Krylov, oo la adeegsaday aalad looga shakisan yahay in lagu xiray mooto, waa fal la mid ah Weerarkii Mossad ay ku qaadeen Xisbullah oo loo adeegsaday aaladaha wax lagu duubo.

“Ciidanka sirdoonka Ukraine waxa lagu qasbay in ay doortaan sida loo dili lahaa Igor in lagu dilayo toogashada, qarxinta, ama sumeynayo,” ayuu raaciyay Stopak. Warbixinta oo faah-faasan halkan ka akhriso

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Turkiga Kala Hadlay Fulinta Heshiiskii Fulinta Difaaca Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Kulmiye Sidii Uu Ugaaskeenii Uu UCeliyqy Waa In Aynu U Ridnaa Oo Wax Cod Ab Ka Helin Gobolka” Gudoomiye Good

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Dalbaday Kalfadhi Xilka Laga Qaadayo Maayir Mooge.

Abdiaziz Bnnstaff