Borama News Network

FIFA oo 6 Bil Ganaaxday Madaxa Xidhiidhka Cayaaraha Cameroon Samuel Eto’o Iyo Sababta Keentay Ganaaxaasi

Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa muddo lex bil ah ganaax dul dhigtay Ciyaaryahankii hore ee Xulka Cameroon iyo Kooxaha Barcelona, Inter Milan & Chelsea ee Samuel Eto’o kaddib markii uu ku xadgudbay anshaha Hay’addaas.

FIFA iyo Eto’o waxa ay isku qabteen kulan ciyaareedkii Xulka Cameroon uu kahortagay dhiggiisa Brazil ee 11kii September 2024 ka dhacay Dalka Colombia, bayaanka FIFA ayaa lagu sheegay in laga mamnuucay dhammaan ciyaaraha ragga iyo dumarka in uu qayb ka noqdo ninkaan.

“Tallaabadaan waxa ay timid kaddib markii Samuel Eto’o uu sameeyay anshax xumo iyo in uu jebiyay xeerarka u yaalla Hay’adda FIFA intii lagu guda jiray kulankii ciyaartoyda Gabdhaha ah ee da’doodu ka yar 20ka sano ay dheelayeen wareegga 16ka ee Koobka Adduunka Haweenka ee lagu ciyaaray Bogota, Colombia 11-September-2024” Sidaasi waxaa lagu yiri War kasoo baxay Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

Sidoo kale, FIFA ayaa ka digtay dabeecadaha qalafsan iyo rabshadaha uu ku lug yeelanayo Madaxa Ciyaaraha Dalka Cameroon ee Fecafoot loosoo gaabiyo waa Samuel Eto’o isaga oo xilkaan haya laga soo billaabo sanadkii 2021.

Related posts

Doorasho Gali Mayno Ilaa Inta La Ansixinayo Gobolnimada Gabilay” Waxgaradka Gabilay Oo Hadlay

Wadahadalladii Qahira Ka Socday Ee Ku Saabsanaa Xabbad-Joojinta Gaza Oo Mar Kale Dhicisoobay

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaa Inoo Taala Sidii Ay Somaliland Ugu Soo Celin Lahayn Dhulbahante” Axmed Yasiin Sh Cali Ayaanle

Abdiaziz Bnnstaff