Bhoomi Chauhan waxay xasuusataa sida ay u ahayd mid caro iyo niyad-jab la kulantay. Ciriiri iyo saxmaddii baabuurta ee jiray ayaana dib ugu dhigay safarkeedii ay doonaysay in ay ku gaarto garoonka diyaaradaha ee Ahmedabad, taasoo sababtay inay seegto duulimaadkii Air India ee London ku wajahnaa kaliya 10 daqiiqo.
Ms Chauhan, oo ah ardayad dhigata maamulka iyo maareynta ganacsiga kuna nooleed Bristol, iyadoo la joogta seygeeda, waxay u safartay galbeedka Hindiya, iyadoo fasax ku jirtay.
Gabadhan oo 28-jir ah waxay qorsheyneysay inay ku laabato UK duulimaadka AI171 Khamiistii, balse diyaaraddii ayaa burburtay wax yar ka dib markii ay kacday, islamarkaana waxaa ku dhintay 241 qof oo saarnaa iyo kuwo kale oo dhulka joogay.
Laakiin markii ay garoonka timid wax ka yar saacad ka hor duulimaadka, shaqaalaha diyaaradda ayaa u diiday inay raacdo.
“Aad ayay uga carooday, waxaana garoonka ka tagnay anoo niyad-jabsan,” ayay tiri. “Aad ayaan u niyad-jabey.
“Garoonka markaan ka laabanay, waxaan istaagnay meel aan shaah ku cabeynay, muddo kadib ka hor intaanan dhaqaaqin… waxaan la hadleynay shaqaalihii garoonka si aan u ogaano sida la iigu soo celin karo lacagtii tikidka,”.
“Halkaas ayaan ku helay wacitaan ii sheegay in diyaaraddii dhacday.”
Iyadoo la hadleysay BBC-da, ayay sii raacisay: “Tani runtii mucjiso ayay ii tahay.”
Ms Chauhan waxay sheegtay inay garoonka diyaaradaha ay tagtay 12:20 duhurnimo waqtiga deegaanka, taasoo ahayd 10 daqiiqo kadib markii la qorsheeyay in rakaabk la saaro diyaaradda.
Tigidhkeeda oo BBC-du aragtay ayaa ahaa, kursiga 36G.Inkastoo ay horey isag diiwaangelisay (online check-in), waxay sheegtay in shaqaalaha diyaaradda aysan u oggolaan inay dhamaystirto habraaca gudaha garoonka.
Waxay ka soo safartay magaalada Ankleshwar oo 201-km u jirta Ahmedabad , balse waxaa hakiyay saxmadda magaalada Ahmedabad.
Ms Chauhan waxay tiri: “Markii aan seegay duulimaadka, aad ayaan u niyad-jabay. Waxa kaliya ee maskaxdayda ka guuxayay waxey ahaayen, ‘Haddii aan wax yar hore u soo dhaqaaqi lahaa, diyaaradda waan raaci lahaa.’
“Shaqaalaha diyaaradda waan ka codsaday in la ii oggolaado inaan gudaha galo maadaama aan kaliya 10 daqiiqo daahay. Waxaan u sheegay inaan ahay rakaabkii ugu dambeeyay ee imanaya, fadlan ii oggolaada inaan raaco diyaaradda, balse way diideen.”