Borama News Network

Gabadha dhallinyarada a ee raysalwasaaraa ka noqonaysa dalkeedii kaddib aabbaheed

Baarlamaanka dalka Thailand ayaa ra’iisul wasaare u doortay Paetongtarn Shinawatra oo ah gabadha uu dhalay maalqabeenka caanka ah ee Thaksin.

Waxa ay jirtaa da’da 37, waxayna noqon doontaa ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa ee dalkaas, iyo sida oo kale haweeneyda labaad ee jagadan qabata, ka dib eedadeed Yingluck.

Xulashadeeda ayaa ku soo beegantay laba maalmood uun ka dib markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Srettha Thavisin ay meesha ka saartay maxkamad dastuuriga ahi. L

Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga Pheu Thai, oo kaalinta labaad galay doorashadii 2023, balse la sameeyay isbahaysi xisbiga talada haya.

Ms Paetongtarn waa xubintii afaraad ee qabiilka Shinawatra ee noqota ra’iisul wasaare labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Dowlada Shiinaha Oo Somaliya Cagaha U Galisay Dibin Siyaasadeed Oo Dhanka Dibloomiyada Ah

Sacuudiga oo ka digay kulayl daran inta lagu guda jiro Xajka sanadkan

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Boqor Buurmadaw Ugu Baaqay In Uu Dalka Yimaado Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka Baaqna U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff