Gabar 23 jir ahayd oo u dhalatay dalka Mexico isla markaana caan ka ahayd baraha bulshada ayaa la toogtay iyadoo si toos ah muuqaal uga baahineysay barteeda TikTok, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka.
Valeria Marquez ayaa la dilay ka dib markii nin uu soo galay goob lagu qurxiyo dumarka ee ay ku lahayd magaalada Guadalajara, halkaas oo uu “sida la sheegay rasaas kaga riday,” sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Jalisco.
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee weerarkaasi loo fuliyey, balse kiiska waxaa hadda loo baarayaa sidii dil dumar oo ku salaysan (femicide) — oo ah marka dumar ama haween loo dilo sabab la xiriirta jinsi ahaan dumarnimadooda, sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.
Dilka iyo tacaddiga ku salaysan jinsiga ayaa aad ugu badan dalka Mexico, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in celcelis ahaan 10 dumar ama 10 gabdhood la dilo maalintii, inta badanna ay geystaan rag qaba ama xubno qoysaskooda ka tirsan.
Daqiiqado yar ka hor geerideeda, Ms Marquez waxay fadhiday miis iyadoo gacanta ku haysa kartoon yar oo loo ekeysiiyay xayawaan, gudaha salon-keeda oo ku yaalla deegaanka Zapopan, iyadoo si toos ah barteeda Tiktok ugala hadlaysay taageerayaasheeda.