Borama News Network

Gantaal Laga Tuuray Dalka Yeman Oo Ku Dhacay Gudaha Isreal Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyay

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo riday dalka Yemen uu ku dhacay Bartamaha Israa’iil, gaar ahaan dhul furan saaka oo Axada.

Bayaan uu soo saaray ciidanka Israa’iil waxa uu ku sheegay in gantaal nooca dhul ka dhul uu ku dhacay dhul furan oo ku yaala Bartamaha Israa’iil, lamana soo werin khasaare nafeed uu uu geystay sida laga soo xigtay ciidanka.

Sidoo kale hoggaanka gudaha Israa’iil ayaa sheegay digniinno la xiriirrra in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn soo galeen hawada Israa’iil kuwaas oo laga soo kiciyay kurayaatka Shamuunah iyo magaalooyin kale oo ku dhaw xuduudda Lubnaan.

Wargeyska Times of Israel ayaa isna sheegay in digniinno badan saaka ka jireen deegaannada Bariga Jaliil oo ay ku jiraan degmooyinka Madillah, Tel-Xawa, iyo Manaarah.

Warbaahinta afka cibriga ku hadasha ayaa iyana werisay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga soo kiciyay Lubnaan ay ku qaraxday tuulada Madillah ee xuduudda woqooyi ee Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay u kuur galayaan warrarka la xiriirra diyaaraddaas, in kastoo ay sheegeen in cid wax ku noqotay aanay jirin marka laga reebo burbur ay geysatay.

Sida laga soo xigtay wargeyska diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa qaraxday kahor inta aan laga dhawaajin codadka digniinnaha bixiya.

Related posts

Cajiib Shimbir La Siidyay Darajada Ciidamada Ee Sareeye Gaas Iyo Ciidamo Salaan U Saaray Shimbirkaas

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Deni: Waan la dagaallameynaa waxkasto oo deegaanka waxyello u geysanaya

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumadu Waxa Ay Maanta Sheegto Barina Wax Kale Ayay Sheegaysaa” C.C Warsame Oo Dhaliilo Xoogan U Jeediyay Xukuumada

Abdiaziz Bnnstaff