Borama News Network

Gantaallada Xuutiyiinta oo qasbay in la xiro Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion

Kooxda Xuutiga ah ee Yemen ayaa duqeymo culus ku garaacday Magaalada Tel Aviv si gaar ah Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion oo gabi ahaanba ay joojiyay shaqadii duullimaadka ee joogtada ahaa ka bixi jiray iyo kuwii degi jiray.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxya Sariic ayaa sheegay in 48dii saac lasoo dhaafay ay dhowr jeer weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion oo ugu dambeyn Cadawga uu ku qasbanaaday in uu joojiyo duullimaadkii ka baxayay.

Fariin uu u diray shirkadaha Diyaaradaha waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan duullimaadka Garoonkaas si ay uga fogaadaan waxyeellada kasoo gaarta sidaas awgeed kooxdu u sheegtay in ay ka feejignaadaan sida uu hadalka u dhigay.

Gantaallada casriga ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa gaaray dhul ay Israa’iil ku faanto oo dhowr jeer ku celcelisay in uusan gaari Karin balse duqeymo culus ay ku beegsatay Kooxdaan fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Yemen.

Related posts

“Madaxweyne Ku Xigeenku Kalmad Waddani Wax U Taraysana Kulmiyena Wax Ka Dhimaysa Muu Odhan ..” Wasiir Cabdinaasir

Abdiaziz Bnnstaff

“Saddex xisbi oo isku reer ahi ma soo bixi karaan, waa riyo.” Wasiir Gaafaadhi Oo La Hadlay Habarjcelo.

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Midawga Africa Oo Dhamaantood Ka Baxaya Dalka Somaliya Iyo Xiliga Ay Baxayaan Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff