Borama News Network

Gargaar Loo Waday Dadka Reer Falastiin Oo Dhexda Loo Galay Iyo Cida Dhacday Gargaarkaasi Oo La Shaaciyay

Dibadbaxayaal u dhashay Israel ayaa hor istaagay gawaari gargaar u siday Gaza iyagoo wadada ku tuuray baakadihii cuntada ay ku jirtay. Waxay sidoo kale kala jeexeen jawaanada ay cuntada ku jirtay markii ay ka gudbayaan Tarqumiya.

Gawaarida xamuulka ayaa lagu weeraray galbeedka Behron, waxayna ka yimaadeen dhinaca Urdun iyagoo u socday Gaza halkaasi oo gargaarka aad loogu baahan yahay.

Lataliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in dhaqanka kuwa dibadbaxayay ay tahay mid aan gabi ahaan la aqbali Karin. Aqalka cad ayaa dhaleeceeyay weerarka iyagoo ku tilmaamay in la bililiqeystay gargaarka.

Warbaahitna Israel ayaa sheegtay in koox magacooda ay ku sheegeen “Tsav 9” ay ka dambeeyeen dibadbaxaasi. Kooxda ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa garabka midig oo doonaya in aan gargaar la geyn Gaza ilaa inta la haystayaasha ay hakaas ku jiraan.

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale sheegay in gargaarka uu ka gudbo marinka kale ee Karem Shalom uu aad u adag yahay sababo ammaan dartood.

Related posts

Ingiriiska oo war kasoo saaray tahriibayaasha doomaha yaryar ku gala dalkaas

Abdiaziz Bnnstaff

“Maanta Waxa Aan Halkan Ka Hadlayaa Aniga Oo Ah Aabe Ka Murugeysan Geerida Ka Dhacay Burco..” Madaxwayne Ciro

Abdiaziz Bnnstaff

“Markaan Bood-Boodayo Awoodayda Ayaan Dadka Tusayaa Iyo Inaan Xoog Ahay Oo Aan Soo Socdo”

Abdiaziz Bnnstaff