Borama News Network

Gaza, Hooyo Wiilkeeda u Dhintay Gaajo Oo Qalfooftiisa Dusha Saaratay!

Magaalada Gaza oo labadii sano lasoo dhaafay xaalado kala duwan oo murugo & welwel badan leh ka dhacayeen ayaa maalin weliba waxaa laga diiwaangeliyaa dhacdooyin dunida walaac horleh geliyay sida ka muuqata xogaha, sawirrada iyo muuqaallada laga soo gudbiyo.

Hooyo kamid ah Dadka ubadkooda u dhintay Gaajada ama cunno la’aanta ayaa korkeeda saaratay qalfoofta (Lafaha ubadkeeda) iyada oo ilmeyneysa, Warbaahinta ayaa sawirkaan aad u hadal heysa maadaama Magaalada Gaza.
Carruur badan oo macluul u dhimatay ayaa Magaalada Gaza lafahooda la dhigay meelo kala duwan mar haddii goobaha Caafimaadka looga waayay dawooyinkii iyo nafaqooyinkii looga talagalay in ay helaan si ay uga badbaadaan macluushaas.

Xaalado adag ayaa ka jirta Magaalada Gaza, cunto la’aanta waxaa usii dheer amni darrada ay abuurtay Israa’iil oo mar weliba weerareysa goobaha gabbaadka u ah Dadka Rayidka ah halka dawooyinkii ay ka idlaadeen Isbitaallada.

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ” Ma Rabo In Aan La Dagaalamo Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

“Daarood isaga oo aan ka talin Goday & Jigjiga ayuu rabaa inuu Sool ka taliyo” Amiir Saleban Roble.

Abdiaziz Bnnstaff

NISA Oo Sheegtay In Howlgal Qorsheysan Ay Ku Dishay Sarkaal Katirsan “AS

Abdiaziz Bnnstaff