Borama News Network

Gobolka Mareykanka ku yaalla ee soo jiidanaya muhaajiriinta iyadoo Trump uu ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadayo qulqulka soo galootiga

Soo galootiga ayaa ah arrin aad u weyn doorashada madaxtinimada Mareykanka ee soo socota, iyadoo Kamala Harris iyo Donald Trump labaduba ay ballan qaadeen inay yareynayaan tirada dadka ka gudbaya xadka Mexico. Laakiin mid ka mid ah gobollada Mareylanka ayaa ku dadaalaya sidii uu u soo jiidan lahaa muhaajiriin badan.

Waa wakhtiga qadada warshada farsamaynta kalluunka ee Cordova, oo ah magaalo kalluumaysi oo ku taal cirifka Webiga Copper Delta ee Gacanka Alaska.

Laakiin cuntada halkan waa ay ka duwan tahay tan Maraykanka, waxaa laga cunaa tacos iyo tortillas oo ah cuntooyinka ay intooda badan cunaan Mexico ah.

Sida muhaajiriinta kale ee u safra kumanaan mayl sannad kasta si ay uga shaqeeyaan beeraha iyo kalluunka Alaska, waxay soo jiitaan rajada ah inay helaan dakhli ka badan inta ay guriga joogaan.

Related posts

Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Lagu Xidhxidhay Magaalada Borama Iyo Cabudhinta Warbaahinta Lagu Hayo

Abdiaziz Bnnstaff

Dalku Jeegaan Uma Baahno “Gudoomiye Xirsi Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxaan la yaabay maalintu yidhi Ey baa soo basasay dad” Xildhibaan Maxamed Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff