Borama News Network

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Ka Shiraya Xaalada Somaliya Iyo Waxyaabaha Diirada Lagu Saarayo Shirkaasi

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gelinka dambe ka shiraya xaaladaha dalka Soomaaliya.

Kulankaan oo lagu gorfeyn doono xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa dhacaya shanta galabnimo xilliga Soomaaliya waxaana lagu wadaa in uu halkaa hadal ka jeediyo ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.Sidoo kale mas’uuliyiin kale ayaa lagu wadaa in ay halkaa ka hadlaan.

Si qoto dheer looma faahfaahin qodobbada sida gaarka ah looga hadli doono shirka, hase-yeeshee waxaan la fahamsanyahay in xaaladaha guud ee dalku marayo lagu soo qaadi doono kulanka.

Related posts

Heshiiska Difaac ee Masar iyo Somalia, maxay Itoobiya kaga jawaabi kartaa?

Abdiaziz Bnnstaff

“Xildhibaan Barkhad Batuun waxa uu nabar ku kasoo gaadhay saaxiibkii oo Maxamed Abiib…” Gudoomiye Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Ethiopia Oo Caddaysay in aysan Ballan-qaadayn inay Aqoonsato Somaliland