Borama News Network

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaya Weerarkii Ay Iran Ku Qaaday Yuhuuda

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay “is-difaaca nafteeda sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana jawaab u ah gardarada milatari ee Israa’iil ee soo noqnoqotay”.

Kulanka degdega ah waxa loo qorsheeyay know iyo tobanka fiidnimo ee caawa.

Related posts

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken Oo Wada Dadaalo Xabad Joojineed Oo Ka Dhaqan Gala Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Haayada Sirdoonka Somaliya Ee Nisa Oo Weerar Culus Ku Qaaday Baraha Bulshada Ee Ay Isticmaalan AS Digniina U Dirtay Shacabka

Abdiaziz Bnnstaff

Askar loo heystay in ay dileen Guddoomiyihii Deegaanka Mareerey oo xukun lagu riday

Abdiaziz Bnnstaff