Borama News Network

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya, kuna baaqay in la siiyo maalgelin joogto ah AUSSOM

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo 11-kii December ay ku kala saxiixdeen magaalada Ankara.

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika waxay ku booriyeen in si buuxda loo dhaqangeliyo. Goluhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo maalgelinta joogtada ah ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si kor loogu qaado xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.
War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah u fidiyaan hawlgelinta AUSSOM.
Goluhu waxa kale oo uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay sahamiyaan fursadaha maalgelinta ee lagu dejiyay Qaraarka 2719 (2013). Goluhu wuxuu xusay, inay muhiim tahay in AUSSOM ay si hufan u gudato waajibaadkeeda oo ay taageerto Qorshaha Horumarinta Amniga ee Soomaaliya (SSDP).

Related posts

Roobka saacadaha badan ka da’aya Muqdisho oo xiray waddooyinka qaar ee Caasimadda.

Abdiaziz Bnnstaff

“Siyaasiyiinta Saaxil Iyo Gabilay Ee Kulmiye Joogaa Kuyuu Khaldan Bay Haystaan”Xildhibaan Cabdirashiid

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil oo Magaalada Gaza ku dilay ugu yaraan 42 oo u badan Haween Iyo Carruur

Abdiaziz Bnnstaff