Borama News Network

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Fadhi Gaar Ah Ka Yeelanaya Howlgalka Cusub Ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta fadhi gaar ah ka leh Howlgalka cusub ee Soomaaliya AUSSOM kaas oo baddelaya kan ATMIS oo waqti ahaan ku siman 31ka Bishaan, Wakiillo kala duwan ayaa shirka kasoo muuqan doonta.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa shirka dhexgeynaya ajandaha Dowladda Federaalka ee la xiriira wax ka baddelka Howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, guulaha laga gaaray wareejinta goobihii ay isaga baxeen iyo kuwo kale.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fadhiga la tageysa in Ciidanka badan ee ATMIS ku jira lasoo goobo isla markaana laga dhigo kuwa guurguura oo la howlgalla Ciidamada Soomaalida ah ee u xarbinaya in guud ahaan Amniga Dalka la wareegaan.
Waxaa dhici doonna kulamo gaar gaar ah oo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya la yeelan doonnaan Dalalka Ciidamada soo diray, kuwa taageera iyo xubnaha kale ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Related posts

Qaza: 140 Qof Oo Ku Dhintay Ka Dib Markii Ay Ciidamada Israa’iil Rsaas Ku Fureen Goob Cunto Lagu Qaybinayey

Abdiaziz Bnnstaff

“Kaadhadhkii ayuu Kulmiye iibsanayaa, wuxuu soo galay guriyhii oo kaygu kamid yahay” Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hawgal Ay Ka Fuliyeen Xeebaha Laasqoray.

Abdiaziz Bnnstaff