Borama News Network

Golaha Ammaanka oo fadhi muhiim ah ka yeelanaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah waxa uu 18ka Bishaan oo ku beegan Arbacada ka yeelanayaa Howlgalka cusub Soomaaliya ee AUSSOM kaas oo baddelaya kan ATMIS ee ku sugan 31ka Deseembar 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaan la tagi doonta ajendaha muhiimadda howlgalkaan oo horay u dharaandhiriyeen Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika kaddib kulamo is xigxigay oo ka dhacay Muqdisho.

Soomaaliya ayaa fursad u heysata in ay howlgalkaan ka reebto Dalka aysan dooneen halka ay awood buuxda u leedahay in ay ku darto Dalalka soo buuxiya shuruudaha ay wadato maadaama quwad muuqata ay noqdeen ciidankeeda.

Wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shirkaan ayaa isla maanta ka safraya Magaalada Muqdisho, waxa ay xubnahaan kulamo gaar gaar ah la qaadan doonnaan Wakiillada Madaxda Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.

Dhaqaalaha ku baxa Ciidanka Afrikaanka ah ee Jooga Soomaaliya waxaa bixisa Qaramada Midoobay gaar ahaan Golaha ammaanka, Midowga Afrika ayaa dejiya qorshaha ciidankaas ka kala socda dalalka kala duwan.

Related posts

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Faahfaahiyay Waxayaabihii Lagaga Wada Hadlay Kulankii Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

kumanaan qof oo ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Qaadacday Qorshe Ayay Dalalka Africa Ku Dhexdhexaadinayaan Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff