Borama News Network

Golaha Fulinta Ee Xoghayaasha Jaamacadda Carabta Oo Garab Istaag u Muujiyay Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Fulinta Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayay uga hadleen xaaladaha ka jira Falastiin & Soomaaliya iyada oo xogo la xiriira labadaas dal laga dhagaystay mas’uuliyiinta xubnaha ka ah Golahaas.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka qaybgalay kulanka ayaa faah-faahin ka bixiyay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al-Fadaala & ku xigeenkiisa Dr Axmed Manaac ayaa wadajir u sheegay in ay Soomaaliya ku garab-taagan yihiin Madaxbannaanida Dhuleed & wadajirka ummadeed.

Waxa ay ka dhiidhiyeen xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay iyaga oo soo jeediyay in la garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee difaacanaya midnimada, Qarannimada & wadajirka bulshada.

Related posts

Dagaal Beeleed Maalinkii Labaad Ka Socda Gobolka Mudug Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Dila Iyo Quljeed Jegaan Bay Noqon Doonaan Cirona Quljeed Ayaan Ku Casuumayaa” Boqor Buur Quljeed

Abdiaziz Bnnstaff

Guterres: “Dhinacyada Suudaan ku dagaalamayaa waa in ay dagaalka joojiyaan Bisha Ramadaan Darteed”.

Abdiaziz Bnnstaff