Borama News Network

Golaha Wakiillada Somaliland oo galay shir ay albaabbadu u xiran yihiin

Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhwaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa saaka shir albaabbadu u xidhan yihiin uga socdaa xaruntooda magaalada Hargeysa.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay weli shirkan albaabbadu u xidhan yihiin ee mudaneyaasha Golaha Wakiillada, hase yeeshee fadhigii caadiga ahaa ee saaka golahaasi lahaayeen ayaa warbaahinta dibedda looga saaray, iyada oo loo sheegay in goluhu leeyahay kulan gaar ah.

Kulankan ayaa wararku sheegayaa in lagaga hadlayo socdaalka raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ee Magaalada Laascaanood iyo mowqifka uu golahaas ka qaadanayo, inkasta oo wararka qaar sheegayaan in hawlo shaqo ee golahaas lagaga doodayo fadhigan.

Waxa la filayaa in war laga soo saaro kulankan u socda mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, oo uu shirguddoominayo guddoomiyaha golahaas Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Related posts

Jeelkii London Ayaa Waxa U Dhimay Xirsi” Wasiir Cabdinaasir Buuni Oo Si Adag Uga Jawaabay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil oo dhulka la simay Masjidka Al-Faaruuq

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Ina Kaahin Wali Waxay Joogaan Qaaxo Ee Ha Loogu Dhaarto In Ay Aanay Joogin” Xildhibaan Khadar Guun

Abdiaziz Bnnstaff