Borama News Network

Golaha Wasiirrada Xukuumada Somaliya Oo Kulan Ka Yeeshay Qodobada Dastuurka Ee Dib u Eegista Lagu Sameeyay

Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 1aad ee Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan gaar ah ka yeeshay qodobadii Dastuurka ee dib u eegista lagu sameeyay iyo kuwii horey sidaan oo kale loogu sameeyay.

Guddiga madaxabannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka, Guddiga Arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka 11aad ee JFS & Hay’adaha kale ee shaqo wadaagga ay yihiin ayaa ka shaqeeyay dib u eegista cutubyada 5aad ilaa 9-aad.

Kulamo wadatashi bulsho ah ayay geliyeen waxaana ay tageen Qaar kamid ah Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si loosoo uruuriyo talooyinka ku aaddan aragtida bulshadii ay la kulmeen.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa boorisay in la kordhiyo dardargelinta qabtyo tirka Dastuurka Dalka si loo sal adkeeyo doorashada Qof & codka ah ee loo diyaariyay guddiga awoodda sharci ka helay Hay’adaha Fulinta iyo xeer dejinta.

Related posts

“Amxaar Aqoonsi ku heli Maysaan Reer Awdalna Somalilanimo kama Tagayaan” Abwaan Liiro Oo Afka Furtay

Abdiaziz Bnnstaff

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo baaq nabadeed u diray bulshada Ceerigaabo ku wada nool

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Dhalinyarada Maalmaha Ciida Meelaha Banaanka Ah Iskula Baxa

Abdiaziz Bnnstaff