Borama News Network

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Soomaaliya u ballanqaaday in uu garab taagan yahay

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u sameeyay ayaa ballanqaaday in uu xoojinayo garab istaagga uu u sameynayo Soomaaliya.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in 30 kii sano ee xaaladaha kala duwan Soomaaliya soo martay uu garab taagnaa, hadda oo uu yahay Guddoomiya Midowga Afrikana uu sii xoojinayo mar haddii xilkaan guushiisa ay qayb weyn ku lahayd Soomaaliya.
Waxa uu bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dalka, Doorashada qof iyo cod ah ee la filayo in ay dalka ka dhacdo, guusha Soomaaliya ka gaartay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ku biirista EAC & Dayn cafinta.

Dhammaan guulahaas iyo kuwo kale ayuu sheegay guddoomiye Maxamuud in ay muujinayaan in Soomaaliya kasoo kabatay ama kasoo gudubtay dhibaatooyinkii kasoo gaaray burburkii isaga oo rajeeyay in guullo kale gaarto waqtiga soo socda.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa dhabbaha Doorasho Qof & Cod ah.” Maxamuud Cali Yuusuf, Guddoomiyaha Midowga Afrika

Related posts

Reer Awdaloow Warkaa Uu Ciro Idiin Sheegay Waa Been Lacagtii Dekeda Lughayana Waa..” Madaxwayne Daahir Rayaale

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada India Oo Si Wayn Uga Cadhootay Talaabo Ay Qaaday Safiirka Ingiriiska U Dhifay Dalka Pakistan

Abdiaziz Bnnstaff

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Joe Bideen Iyo Netanyahuga Yuhuuda Iyo Waxa Uu Salka Ku Hayo Khilaafkaasi

Abdiaziz Bnnstaff